Warbixin cinwaan looga dhigay Libya oo ay caddowtooyo buuxiyeen ayaa lagu soo qaaday inay Tahriibayaasha ku sugan gudaha Libya ay la kulmaan jirdil, kufsi iyo afduub lagu weydiisto lacago madax furasho ah.
Warbixinta cusub ee ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ka soo saartay Xarunteeda Dhexe ee magaalladda London ayaa waxaa kaloo lagu soo qaaday Kooxaha Mukhalisiinta ee dadka ku tahriibiya doonyaha ku sii jeeda Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo Tahriibayaasha kula dhaqma tacadiyo badan.
Warbixinta waxaa lagu xusay in ay Tahriibayaasha khatar ku galaan tallaabo kasta oo ay qaadaan marka ay safrayaan, iyadoo Tahriibayaasha marka ay soo galaan Saxaraha Libya la afduubto, si lacago madax-furasho looga qaato.
Lacagta ugu badan ee ay Hay’adda diiwaangelisay ayaa ah in 8,000 oo dollar madax furasho ahaan loo bixiyo.
Warbixinta Amnesty International waxay si gaar ah uga hadashay Haweenka keligooda tahriibaya, waxayna Hay’adda diiwaan gelisay dhacdooyin badan oo xanuun leh oo lagu fara-xumeeyey Haweenka Tahriibayaasha.
Qaar ka mid ah Haweenkaasi ayey Warbixintu tilmaamtay inay uur u qaadaan Maleshiyooyinka Liibiyaanka, ka hor intaysan haweenkaasi sii wadanin Tahriibkooda. Haweeney Somali oo sannadkii 2014-kii ka soo tahriibtay Libya ayaa u sheegtay Amnesty International in haweenka keligooda tahriiba ay khatar u galaan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreyso Kufsiga .
“Haddii aad tahay Haween, oo ay dableyda Liibiyaanka arkaan inay rag xoog leh kula socdaan, cidna kuuma soo dhawaan karto, laakiin, haddii aad keligaa tahay ama ay kula socdaan rag aan xoog lahayn, waxaa gashay khatar” ayey tiri Haweeneydaasi.
In ka badan 35,781 Tahriibayaal oo ka ambabaxday Xeebta dalka Libya ayaa sannadkan gaaray dalka Talyaaniga Xigasho: Amnesty International