Eedeysanayaal Somali Maraykan ah oo mar kale la soo taagi doona Maxkamad

Lix dhallinyarro Somali Maraykan ah oo lagu eedeynayso inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish ayaa la filayaa in mar kale berrito la soo taago Maxkamadda Federalka ee magaalladda Minneapolis.

Dhegeysiga Dacwadda ayaa lagu eegi doonaan haddii  afar ka mid ah Eedeysanayaasha dib loo dhigayo dacwadooda iyo in  lagu sii haynayo Xabsiga.

Labo Eedeysane oo iyaga lagu xiray Gobalka California ayaa la filayaa in iyagana maanta loo soo gudbiyo magaalladda Minneapolis, si Eedeysanayaasha oo idil hal mar loo soo taagi lahaa Maxkamadda.

Hadal ka soo baxay Dacwad-oogayaasha ayaa lagu sheegay inay Maxkamadda ka soo hor muuqan doono Markhaati muhiim ah, kaasi oo saaxiib hore la ahaa Eedeysanayaasha, kaasi oo Hay’adda FBI-da wararka u geeya.

Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota, ayaa ka carootay  wararka sheegaya inay Hay’adda FBI-da kharaj uu adeegsatay in la soo basaaso Eedeysanayaashaasi.

Warar ayaa sheegaya in Ninka ay FBI-da u adeegsatay inuu u soo basaaso Eedeysanayaasha la siiyey lacag dhan 12,000 oo Dollar, kadib, markii uu soo gudbiyey codad muujinaya qorshaha Dhallinyaradaasi ugu biiri lahaayeen Dagaalyahannadda Kooxda Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Syria.

Dhinaca kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka, Andy Luger ayaa difaacay Kiisaska Federalka iyo in dadka wararka u gudbiya FBI-da la siiyo lacago abaalmarin ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor