Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Somalia, Ambassador Olgan Beker ayaa sheegay inay Dowladiisa kaalin libaax ka qaadan doonto Doorashadda Somalia ka dhici doonto dabayaaqadda sannadkan 2016-ka.
Danjiraha oo Wareysi Khaas ah siiyey Radio Dalsan waxa uu tilmaamay inay Doorashadda sannadkan dhabaha u xaari doonto Doorashadda Tooska ee Somalia ka dhici doonto sannadka 2020-ka.
Waxa uu xusay inay Doorashadu asaas u tahay Hilinka Dimuqraadiyeynta Somalia iyo in Ummadda Soomaaliyeed fursad u helaan inay doortaan Madaxdooda.
Mar wax laga weydiiyey Xiriirka Turkiga iyo Somalia, waxa uu tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan, isla markaana ay Turkiga taageero u fidiyaan Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu ka mahadceliyey sida ay Dowladda Federaalka Somalia uga fal-celisay Afgembigii Fashilmay ee bishan July 15-dii ka dhacay Turkiga.
Waxa uu carrabka ku dhuftay Taageeradda ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen Dowladda iyo Shacabka Turkiga,markii la fashiliyey Afgembiga ay soo abaabuleen Dhaqdhaqaaqa Argagixisadda ee Gulist Terror Organization.
Dhinaca kale, Danjiraha Dowladda Turkiga u jooga Somalia, Ambassador Olgan Beker waxa uu tilmaamay inay Dowladaha Somalia iyo Turkiga si wadajir uga shaqeyn doonaan sidii loo xaqiijin lahaa Hawlahga Mashaariicda lala xiriirinayo Hay’adda Nile Academy, taasi oo dhawaan ay xirtay Dowladda Somalia.
Waxa uu tilmaamay in Dugsiyadda iyo Isbitaalladda ay maamuli jirey Hay’adda Nile Academy dib loo furi doono bilowga bisha soo socota ee August.
Waxa uu si gaar u xusay in bisha Augsut 2-da la furi doono Isbitaalka Deyfo oo ay Hay’adda Nile Foundation maamuli jirtey.
©Radio Dalsan