Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Alshabaab ayaa Barqanimaddii maanta waxay Is-qarxin iyo weerar ku qaadeen Xarunta Dhexe ee Ciiddanka Dembi-baarista Boliska (CID) ee KM4 ee magaalladda Muqdisho.
2 qarax oo waa weyn ayey Alshabaab lala beegsadeen Albaabka weyn ee laga galo Dhismaha Xarunta CID-da, ka hor intaysan qeyb kale u gudbin gudaha.
Boliska Ilaaladda ka ahaa Xarunta ayaa la sheegay inay toogteen kooxdii gudaha u soo gashay Xaruntaasi.
Hadal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka ayaa lagu sheegay in guud ahaan 13 qof lagu dilay weerarkaasi, iyadoo 7 ka mid ahaayeen Alshabaab.
Sidoo kale, 5 qof oo rayid ah iyo Hal Askari ayaa lagu dilay dhacdadaasi.
Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka, , Taliyaha Nabadsugidda iyo Taliyaha Boliska Soomaaliyeed ayaa kormeeray Xarunta Dembi-baarista Boliska Soomaaliyeed ee CID-da, iyagoo warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Xaruntaasi.
Weerarka ay Alshabaab maanta ku qaadeen CID-da ayaa ah kii labaad ee wax ka yar hal isbuuc ka dhaca magaalladda Muqdisho, waxayna Alshabaab horey 2 qarax oo Is-qarxin ah la begsadeen Xarunta AMISOM ee agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
©Radio Dalsan