Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta dagaalyahano ka tirsan Al shabaab ku qaadeen xarunta CID-da ee magaaladda Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay.
Wasiirka Amniga Gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ismiidaaminta ay ku dhinteen 12-qof.
12-ka dhintay ayuu wasiirka ku sheegay in 5-shacab ay ahaayeen halka 7-kale uu ku sheegay Al-shabaabkii weerarka soo qaaday.
Wararkale ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamadda boliiska soomaaliyeed inkastoo wasaaradda Amniga ay warkaasi beenisay.
Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi.