Muwaadin u dhashay dalka Tanzania oo ka mid ah Dagaalamayaasha Muhaajiriinta ka tirsan Alshabaab ayaa shalay galab lagu toogtay magaallo-madaxda Gobalka J/dhexe ee Jilib.
Ninkaasi oo la oran jirey Ciise Jeemis ayaa lagu toogtay meel Fagaare oo ay boqolaal dadweyne goob-joog ka ahaayeen.
Qaadiga Maxkamadda Alshabaab ee Goballadda Jubbooyinka, ayaa sheegay in Eedeysanaha oo 27 jir ahaa lagu helay inuu basaas u ahaa Sirdoonka Maraykanka u jooga magaallaadda Muqdisho iyo inuu dhowr jeer lacago ka soo qaatay, waa sida uu hadalka u yiri.
Qaadiga waxa kale oo uu tilmaamay inuu Eedeysanaha ka dambeeyey weerar ay Droneska Maraykanka ku dileen xubno ka tirsan Alshabaabka ku sugan Jubbooyinka, mana aha markii ugu horreysay oo ay Alshabaab xukun dil ah ku fuliyaan Dagaalyahan iyaga ka tirsan.
©Radio Dalsan