Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare ee Maamulka Puntland Xuseen Cali Maxamuud ayaa maanta Tababar ku saabsan Maareynta Amniga doorashooyinka Golaha Shacabka ka furay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas.
Tababarkaan oo soconayay mudo Lix bari ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Sarakiil ka socotay Laamaha kala duwan Ciidamada Puntland, qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland, xubno ka socday Maamulka dowlada Hoosse Boosaaso.
Xuseen Cali Maxamuud Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay in Tababarkaan uu muhiimad u leeyahay shaqadada la qaban doono, ee la xiriirta sugida amniga goobta lagu qabanayo doorashada Xildhihaanada Golaha Shacabka ee Puntland.
Taliye Xuseen Cali ayaa Ciidamada qaadanaya tababarka faray inay si wnaaagsan u qaatan tababarka la siinayo, isla markaana looga baahan yahay inay sugaan amniga guud ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.
Boosaaso ayaa kamid ah Magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan kuwa Golaha Shacabka, waxaana Magaaladaas lagu dooranayaa Xildhibaanada Puntland ku matelaya Golaha Shacabka.