Wararka laga helayo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda Soomaaliyo iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab xalay degmadaas uu dhexmaray dagaal.
Dad ku sugan Waajid ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkan uu ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,isla markaana waxaa uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ay kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda halkaasi ay ku leeyihiin.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo kala labada dhinac,kaasi oo ka dhashay dagaalkii ka dhacay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool,inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.
Al-shabaabkii marka hore weerarka soo qaaday ayaa waxaa la sheegay in dib ay uga laabteen degmada,kadib markii iska caabin ay kala kulmeen Ciidanka dowladda oo gurmad ka helay kuwa maamulka Koonfur Galbeed.
Xaalada guud ee Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa haatan waxaa ay tahay mid degan,isla markaana waxaa halkaasi howlgalo kala duwan ka wada Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.