11 qof oo lagu dilay Baar ku yaalla Brazil

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay Baar ku yaalla magaalladda Belem ee Gobalka Para ee Waqooyiga dalkaasi, sida ay baahiyeen Warbahainta dalkaasi.

Dabley tiradooda lagu shegay 7 qof ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Baarka laga cunteeyo, kadibna ay toogteen ugu yaraan 11 qof oo ku sugnaa gudaha Baarka.

Dableyda ayaa la sheegay inay ku baxsadeen 3 gaari iyo mooto, markii ay geysteen Toogashadaasi.

Afhayeenadda Maamul-gobaleedka Para oo lagu magacaabo Nataliya Mello ayaa xaqiijisay inuu halkaasi ka dhacay Xasuuq, iyadoo dadka la dilay kala ahaayeen 6 haween iyo 5 nin, halka qof kalena si xun loo dhaawacay.

Toogashadan ayaa ku soo beegantay, iyadoo uu Madaxweynaha dalka Brazil, Jayr Bolosonaro dhawaan saxiixay Sharci dadka u fasaxaya inay haysan karaan qoryaha iyo rasaasta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media