Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte, ayaa sheegay in la xirayo dhammaan goobaha ganacsiga ee aan muhiimka ahayn oo ay warshaduhu ku jiraan, xilli waddankaasi uu la daalaa dhacayo xakamaynta faafitaanka cudurka safmarka ahi ee Coronavirus.
Balse Ra’iisul Wasaare Conte waxa uu shacabka u xaqiijiyay in dukaamada, farmashiyeyaasha, baananka iyo adeegga boostada ay sii shaqeyn doonaan oo aan la xiri doonin.
Hawl-wadeenno caafimaad oo u dhashay dalka Cuba oo ka kooban dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa ku sii wajahan gobolka Lombardiya ee woqooyiga dalka Talyaaniga, si ay gacan u siiyaan khakhaatiirta la tacaalaya cudurka Coronavirus.
Hawl-wadeennadani caafimaad oo gaaraya ilaa 50 ayaa ah kuwa inta badan la hawlgeliyo xilliyada ay dhibaatooyinka ba’ani jiraan.
Dowladda ku meel-gaarka ahi ee dalka Bolivia ayaa dib u dhigtay doorashada madaxtinnimada ee dalkaasi, maadaama dalkani oo dhan laga billaabo maanta la gelinayo karantiil.
Dalka Shiinaha, 46 qof oo hor leh ayaa laga helay cudurka Coronavirus balse dadkani ayaa marka laga reebo hal qof waxay xanuunkani kala yimaadeen dibadda, waana muwaadiniin u dhashay dalkaasi oo dibadda ka soo laabtay.