Taliska Booliiska Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Taliyaha Booliiska Degmada Dhamme C/fitaax Maxamed Jaamac ayaa kulamo la qaatay Bulshada ku dhaqan deegaano hootaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Kulanka ayaa ka dhacay deegaanada Laama-saban iyo Coomaad, waxaana looga hadlay sidii loo xoojin lahaa nabada ka jirta halkaas, maadama dhowr ah ay deegaano ka tirsan Hiiraan ay ka dhaceen dagaalo iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil.
Taliyaha Ciidanka Booliska Dhamme C/fitaax Maxamed Jaamac ayaa waxaa uu sheegay in ay ka shaqeyn doonaan nabada deegaanka iyo hortago wax walba oo Colaad abuuri kara lagana heshiiyo waxyaabihii horay u dhacay.
Sidoo kale Taliyaha ayaa Bulshadii ay la kulmeen ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga Gobolka, isla markaana ay kusoo wargeliyaan wax kasto oo ay u arkaaan amni darro.
Ugu dambayn Taliyaha Booliiska Degmada Matabaan Dhamme C/fitaax Maxamed Jaamac ayaa waxa uu xusay in loo madlan yahay in Dhowaan Degmada Matabaan laga furi doono Gogol Nabadeed oo la isugu keeno Dhamaan Dadka dagan Deegaanada Hoostaga Degmada Matabaan.