Ruux waday Gariga laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa duhurnimadii Maanta waxa uu ku weeraray kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya xilli ay marayeen meel aan ka fogeyn Koontoroolka Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan ayaa dadka Xaafada Baar Ismaaciil ay sheegeen in uu qaraxaasi ka dhashay,waxaan kolonyada saarnaa Ciidamo ka tirsan kuwa Marekanka uu tababaro ee Saldhiga ku leh Garoonka Balli-doogle.
In kastoo weli laamaha ammaanka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose aysan weli ka hadlin qaraxaas ayaa hadana waxaa masuuliyadda qaraxaas sheegtay Al-Shabaab,iyaga oo sheegay in ay ku dileyn 12 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya,iyada oo uu hakad ku jiro isku socodka dadka iyo Gaadiidka Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.