Dadkaas ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen magaalladda Karaaji, kadib, markii Kulayl xad-dhaaf ah iyo koranto la’aan ka dhacday magaalladaasi.
Afhayeenka Hay’adda Gaadiidka Gurmadka ee ugu weyn  dalkaasi, Anwar Qaasimi ayaa sheegay inay afartii maalmood ee la soo dhaafay ay  65 mayd fhigeen Qaboojiyayaasha Maydadka ee Isbitaalka weyn ee magaalladaasi.
Dhinaca kale, Hay’adda Saadaasha Hawada ee dalkaasi ayaa sheegtay inuu Kulaylka magaalladda Karaaji gaaray 111 digirii ee Faharnhayt.
Isbedelka Cimillada ee sannadihi ila so odhaafay ayaa keentay Kulaylka xad-dhaafka ee ka jira magaalladda Karaaji, iyadoo ay 1,233 qof u dhinteen Kulaylka xad-dhaafka tan iyo sannadkii 2015-kii.