Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq waxay maanta xukun daldalaad ah ku riday  Taariq Jaduun “Abu Xamsa Al-beljiki oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Morooko, balse haysta dhalashadda dalka Beljimka.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa dhinaca Borobogaandada, wuxuuna marar badan ka soo muuqday Muuqaalladda Daacish, isagoo hanjabaad u jeedinaya dadka Reer Galbeedka.
Waxa uu beeniyey Dacwadda lagu soo oogay, wuxuuna sheegay inuu ahaa Kalkaaliye Caafimaad, laguna khasbay inuu Muuqaalladda uga hanjabo dadka Reer Galbeedka, gaar ahaan kuwa Beljinka.
Dhegeysiga dacwadiisa oo socotay wax ka yar 10 daqiiqo, waxa uu Garsooraha Maxkamadda ku xukumay inom Eedeysanaha la daldalo ilaa uu ka dhimanayo.
Eedeysanaha waxa uu haystaa 30 maalmood oo uu Rafcaan kaga qaadan karo Xukunkaasi.
Dhinaca kale, Tan iyo bilowgii sannadkan, waxay Maxkamadaha dalka Ciraaq Iraq xukun dil ah ku rideen in ka badan 300 xubnood oo ka tirsan Kooxda Daacish, iyadoo 100 kalena lagu xukumay Xabsi Daa’im, kuwaasi oo badankooda Ajaaniib ah.