Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya  dagaal weli ka socda Xaafado ka tirsan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyaa maleeshiyaad hubeysan oo weeraray Saldhiga Booliska Baladweyne,kuwaas oo doonaya inay la soo baxaan Askari dilay darawal Mooto bajaajle ahaa iyo Ciidamada booliska ee ku sugan Saldhigaas.
Maleeshiyaadka weeraray saldhiga ayaa lagu soo waramayaa in ay ku heyb yihiin Wiil darawal mooto Bajaajle ahaa oo shalay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu ku dilay Magalada Baladweyne.
Wariyeyaal ku sugan Baladweyne ayaa waxa ay soo sheegayaan in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkaas.
Inta la xaqiijiyey saddex ruux ayaa dagaalka ku geeriyoodeen halka laba kale ay ku dhaawacmeen,waxaana weli Baladweyne laga maqlayaa rasaas ka dhaceysa Xaafadaha qaar.
Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa la geeyey Isbitaalka Magalada Baladweyne,welina dagaalka kama hadlin maamulka Magalada Baladweyne iyo waliba Madaxda ugu sareysa Maamulka Hir-Shabeelle.