Sawirro:-Ciidamo Boolis ah oo si rasmi ah ula wareegay Stadium Muqdisho

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta garoonka Kubadda Cagta Stadium muqdisho.

Muddo waxa ay xarun u aheyd Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaa dadaal dheer u gashay dowladda Soomaaliya si loogu soo celiyo gacanta Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha si’ ay qeyb uga noqoto meelaha dadweynaha isugu yimaadan.

Garoonka ayaa ahaa garoonkii ugu weynaa Soomaaliya isagoo xilliyadii Nabadda Marti geliyay ciyaaro heer Caalami ah.

Dadweyne kala duwan oo isaga kala yimid qeybaha gobalka Benaadir, Saraakiil Ciidan, Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobalka Benaadir ayaa ka qeyb galay xafladda  Ku wareejinta masuuliyadda Amni ee Garoonka Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor