Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka ayna ka qayb galeen xubna ka socda beesha caalamka, daneeyaasha arrimaha Soomaaliya iyo deeq-bixiyaasha.
kulanka maanta ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa kamid dar-dargalinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah.
Dhammaan dhinacyadii ka qayb galay kulanka ayaa waxa ay isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan lacagihii ay ku yabooheen maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in qorshaha lagu soo daabacayo lacagta shillinka soomaaliga ah uu socdo,isla markaana uu marayo Heer gaba gabo ah.