Ugu yaraan 11 Amiir oo Dhaxal-sugayaal ahaa iyo 4 Wasiiro haatan xilal hayey iyo kuwo hore ayaa Xabsiga la dhigay, kadib, markii lagu soo oogay Musuq lagu sameeyey Gurmadkii daadadkii sannadkii 2009-kii ku dhuftay magalladda Jiddah ee dalkaasi.
Maalqabeenka Amiir Waliid Bin Talaal ayaa ka mid ah dadka la xiray.
Sidoo kale, Madixii Ilaaladda Qaranka Sacuudiga, Amiir Metab Bin C/llaahi,. Taliyihii Ciiddanka Badda, C/llaahi Al-suldaan iyo Wasiirkii Dhaqaalaha, Caadil Fakiyeh  waxaa laga wada qaaday Xilalkii ay hayeen.
Dhinaca kale, Milliteriga Sacuudiga waxay sheegeen inay soo rideen Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku soo tureen meel ku dhow Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Boqor Khaalid oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Riyaadh.