• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 11, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-War-murtiyeed Wadajir ah oo laga soo saaray Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Burundi

Bilan Media by Bilan Media
February 19, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Burundi, ayaa waxaa War-Murtiyeed Wadajir ah laga soo saaray Booqashadaas

Hoos ka Akhriso War-Murtiyeedka

1-Kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi Mudane Pierre Nkurunziza, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu booqasho shaqo ku tegay Jamhuuriyadda Burundi muddadii u dhexaysey 18-19 Febraayo, 2019. Ujeedka booqashadani waxa uu ahaa adkeynta iskaashiga taariikheed, siyaasadeed iyo amni ee labada dal.

2-Markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxxamed iyo wafdiga uu hoggaaminayo soo gaareen Garoonka Caalamiga ah ee Bujumbura, waxa si diirran u soo dhaweeyay dhiggiisa Burundi Mudane Pierre Nkurunziza oo ay weheliyeen masuuliyiinta sarsare ee Burundi.

3-Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxa uu casho sharaf u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Ka hor casho sharafta, Wasiirrada iyo Taliyayaasha Gaashaandhigga ee labada dal ayaa yeeshay kulan laba-geesood ah oo ku suntanaa jawi saaxiibtinnimo oo diirran kaasi oo ka tarjumayay xiriirka saaxiibtinnimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Burundi iyo dadaalka ay labada waddan kula dagaallamayaan argagaxisada.

4-Maalintii labaad ee booqashada, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Madaxweyne Pierre Nkurunziza waxay yeesheen wadahadallo ballaaran oo ku aaddan arrimaha ay wadaagaan labada waddan sida xiriika labada dhinac iyo aayihiisa mustaqbalka, iyo dadaallo lagu dardargelinayo fulinta heshiisyadii hore loo gaaray. Labada Madaxweyne waxay cambaareeyeen weerarrada ay Alshabaab ka geysato gudaha Soomaaliya iyo dibaddeeda, iyaga oo walaac ka muujiyay halista Alshabaab.

5-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Pierre Nkurunziza waxa uu bogaadiyay dadaalka ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan helidda nabadgelyo iyo ammaan. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isna ammaanay shaqada geesinnimada iyo hufnaanta leh ee ay Ciidamada Burundi ka hayaan AMISOM, iyaga oo noloshooda u hura sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad waarta.

6-Labada Madaxweyne waxay ku baaqayaan in si buuxda loo fuliyo qodobbadii heshiisyadii ka dhacay Nairobi iyo Addis Ababa ee ku aaddanaa Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyeen in si degdeg ah loo fuliyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab iyada oo la dabbaqayo Qorshaha Kalaguurka ah ee Soomaaliya lana dhisayo awoodda hay’adaha iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya. Labada Madaxweyne waxay codsanayaan in Midowga Afrika dib u qaabeeyo Ciidamada AMISOM si ay u fuliyaan shaqooyinka loo igmaday oo ay kamid tahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka hawlgallada ee ay la leeyihiin Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Labada Madaxweyne waxay isku raaceen inay shir degdeg ah isugu yeeraan Madaxda dalalka ay Ciidamadoodu kamid yihiin AMISOM.

7-Ugu danbayntii, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu dowladda Burundi ugu hambalyeeyay in saddexda sanno ee soo socota loo doortay xubin kamid ah Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika, wuxuuna Dowladda iyo Shacabka Burundi uga mahadceliyay martigelinta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa intii booqashadu socotay wuxuuna Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku martiqaaday inuu booqasho rasmi ah ku yimaaddo Soomaaliya.

 

Previous Post

Dhageyso;- Warka Habeenimo Ee Radio Dalsan

Next Post

Dhageyso:-Saraakiisha Ciidanka Booliska oo loo furay Siminaar lagu barayo Xaquuqda Aadanaha + Sawirro

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

May 11, 2025
Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal
Caalamka

Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal

May 11, 2025
SSC-Khaatumo Leader Holds Key Political Meetings in Mogadishu
English News

SSC-Khaatumo Leader Holds Key Political Meetings in Mogadishu

May 11, 2025
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Next Post

Dhageyso:-Saraakiisha Ciidanka Booliska oo loo furay Siminaar lagu barayo Xaquuqda Aadanaha + Sawirro

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

by Dalsan Editor
May 11, 2025
0

Somalia's Federal Government Minister of Internal Security, Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), on Sunday hosted a special welcoming reception in honor...

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

by Liban
May 11, 2025
0

Koogaar (also known as Burdheere), Middle Shabelle Region – Two civilians were killed early this morning in a targeted attack...

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

by Liban
May 11, 2025
0

MOSCOW / KYIV / ISTANBUL —Russian President Vladimir Putin has declared his readiness to engage in direct peace talks with...

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

by Ilhaan
May 11, 2025
0

Wararka laga helayo deegaanka Koogaar (loogu yeero sidoo kale Burdheere), oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa...

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
English News

Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
English News

Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm
English News

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Minister of Internal Security Hosts Reception for SSC-Khaatumo Leader in Mogadishu
  • Two Civilians Killed in Targeted Attack in Koogaar, Middle Shabelle: Rising Fears of Clan Violence
  • Putin Proposes Direct Peace Talks With Ukraine Amid Growing Western Calls for Unconditional Ceasefire
  • Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00