Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga ee Muqdisho

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo Shirka Golaha lasoo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ah.

Madaxda Golaha Wadatashiga ayaa marka hore tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho, waxaana Caafimaad deg deg ah ay u rajeeyeen dadkii dhaawacmay.

Golaha ayaa boggaadiyay guulaha Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ka keeneen dagaaladii ay la galeen dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoona ugu baaqay Somaliland inay ilaashadaan nabada iyo xasilloonida.

Sidoo kalen Golaha ayaa isku raacay in dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay soo dhameystiraan xubnaha ka dhiman Guddiyada dib u eegista Dastuurka.,

Golaha ayaa isku raacay in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka Xisbiyada Qaran, in dalka laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan, kuna saleysan cod bixiyeyaal diiwaan gishan iyo Xisbiyo u tartama golayaasha heerarka kala duwan.

Sidoo kale waxaa Golaha Wadatashiga Qaran isku raaceen in la qabto labo doorasho, mid Heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Hoos ka Akhriso War‐murtiyeedka Shirka laga soo saaray

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor