Khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Is-miidaaminta ahaa ee Muqdisho oo sii kordhay

Tirada khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maalin kahor ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda ee ku taalla Isgoyska Soobe ayaa sii korortay.

Sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la sheego ayaa u sheegay Idaacadda VOA in tirada dhimashada ee ilaa haatan dawladdu ururisay ay tahay 119 dhimasho ah, 10 qof oo la la’yahay in 324 qof oo dhaawac ah.

Saraakiisha amniga ee dawladda ayaa aamisan in qaraxa ay gaysteen gaadiid uu waday qof Is-miidaamiyey, iyo mooto la dhigay isgoyska agteeda, waxaana qaraxyadu dhaceen xilli wadada ay mashquul aheyd.

Tiradan ayaa ka dhigaysa weerarkii Sabtida kan labaad ee gaystay dhimashada ugu badan Soomaaliya. Weerarka ugu dhimashada badnaa ayaa ahaa weerarkii October 14-keedii 2017-ka ka dhacay isgoyska Zoobe.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkii dhacay sabtidii. Madaxweynaha Soomaaliya, iyo dawladaha kale ee caalamka ayaa si weyn u cambaareeyey weerarkan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor