Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya
Daahir Maxamuud Geelle oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta shaaciyay in uu xilkaas iska casilay,waxaana sababta uu isku Casila u ku sheegay inay tahay in isaga iyo madaxda dowladda ay ku kala aragti duwan yihiin arrimo badan, sidaas darteed uu go’aansaday inuu xilka ka dego.