Magaallada Mostar ee dalka Bosnia-Herzogovia waxaa shalay laga furay Cawo lagu soo bandhigay Nuqulo ka mid ah Kutubta Qur’aanka Kariimka ee la qoray Qarniyo ka hor, kuwaasi oo haatan shaakligooda ama qaabkooda uu duugoobay.
Carwadaasi waxaa soo qabanqaabisay Machad lag leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Yunus Emre Institute (YEE), oo iyagu soo ururiyey Kutubta Masxafka Qur’aanka Karimka oo uu Nusret Omerika ururinayey in ka badan 10-sanno.
Nusret Omerika oo ka hadlay Furitaanka Carwadaasi Islaamiga ayaa sheegay in markii ugu horreysay la soo bandhigayo 6 Kutubta Qur’aanka Kariimka oo far guri lagu qoro muddo haatan laga joogo 300 oo sanno.
Waxaa kaloo Kutubta Qur’aanka Kariimka ee lagu soo bandhigayo Carwadaasi ka mid ah dhowr Masxaf Qur’aanka oo jaldigooda lagu dahaaray Dahab, Maasha Allaah.
Soo-ururiyaha Kutubtaasi, Nusret Omerika waxa uu sheegay inuu gurigiisa ka sameeyey Maktabad ay yaallaan 3,000 oo Buug, oo 200 ka mid yihiin Kutubta Qur’aanka Kariimka,
Waxa uu intaasi ku daray inuu jecel yahay Kitaab Qur’aanka oo uu Awoowgiisa ka dhaxlay, wuxuuna dhanka kale xusay inuu ku faraxsan yahay inuu ururiyo Kutubta Qur’aanka ee lagu qoray Far-guriga.
Ku-xigeenka Guddoomiyaha Madrasadda taariikhiga ee Karagöz Bey Madrasa ee lagu soo bandhigay Carwadda Kutubka Qur’aanka Kariimka ayaa sheegay inuu Kutubka Qur’aanka ku leeyahay meel muhiim ah Quluubta qof kasta oo Muslim ah.