Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah ay taariikhdu ku beegan tahay 31-ka bisha Octoober 2018 waxa ay kulan ku yeelanayaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah sii wadista codeyn ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
Xeerkaas ayaa Isniintii Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa ay ka yeesheen dood kulul,iyaga oo qaarkood dalbaday in qodobada qaar isbedel lagu sameeyo.
Xidlhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo ay ka doodi doonaan si ay u ansixiyaan inta lagu guda jiro Kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka.