Taliska qeybta 6aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha dhinaca amni kaga aadan xilliga ay dhaceyso doorashada koonfur Galbeed.
Taliyaha qeybta 6aad ee Ciidanka xoogga dalka Janeraal Ibraahim Yarow Isaaq ayaa sheegay in Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda ee deegaanada Koonfur Galbeed aysan ka qeyb noqon Karin ololaha socda ee doorashada.
Waxa uu uga digay Saraakiisha iyo Ciidamada in marnaba aysan faraha la gelin doorashada cidii lagu arkaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono waa sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka ka soo baxay Taliyaha qeybta 6aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa ku soo aadaya xilli madaxda Dowladda Federaalka lagu eedeynayo in ay faragelin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.
17-ka Bisha soo socota ee November ayaa lagu wadaa in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu qabto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxana u sharaxan in ka badan 10 musharax oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha qeybta 6aad ee Ciidanka xoogga dalka.