Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti taariikhduna ay ku beegan tahay 16-ka bisha November 2019, waxaa ay kulankoodii caadiga ay ku yeelayaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa xalay loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay soo xaadiran, maadama ay horyaalan howlo badan.
Ajendaha kulanka waxaa uu ayaa ah Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Daawada, Akhtinta 1aad Xisaab Xirka 2018 iyo Akhtinta 2aad Hindise Sharciyeedka Naqshadaynta Magaalooyinka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmihii la soo dhaafay Safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaan Itoobiya ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Xildhibaanada tan iyo markii uu furmay kal-fadhiga 6-aad ee Golaha ay ansixiyeen Ajendayaal dhowr ah.