165 million oo EURO aya la sheegay in loogu deeqay dalalka Somalia. South Sudan, Kenya, Ethiopia, sida ay sheegtay Madaxa Siyasadda iyo Ammaanka ee EU-da, Federica Mogherini oo Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki Mohamed shalay kula kulantay magaalladda Addis Abeba.
Waxay ka hadashay Xiriirka EU-da iyo AU-da, iyadoo xustay inay labad dhinac iska kaashadaan qeybo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ammaanka iyo Xaalladaha Samafalka Aadminimo ee Qaaradda Afrika.
Dhinaca kale, Madax EU-da ee Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta, Neven Mimiuca ayaa iyadana sheegtay inad aad uga walaacsan yihiin Xaaladaha Abaaraha iyo Macluusha ee haatan ka taagan dalalka Somalia iyo South Sudn.
Waxay sheegtay inay Xirmadda Cusub ee Kaalmada loo qoondeeyey in 100 million oo EURO loogu talglay in wax loog qabto xuiisaha colaadeed ee dalka South Sudan.
Dhinc kale, 65 million oo Euro oo ka mid ah Xirmo Cusub ee Lacagtaasi waxaa wax looga qabanayaa Abaaraha khatarta ee haatan ka taagan dalalka Somalia, Ethiopia iyo Kenya.
Deeqdan cusub ee EU-da ugu tala gashay dalalka Geeska Afrika ayaa waxay ku soo aaday iyadoo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson dhawaan booqasho ku yimid Somalia oo ay ku macluulsan yihiin in ka badan 6,300,000 oo qof.
©Radio Dalsan