Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare BFS Kalfadhiga 5aad kulankiisa 7 aad.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa ui ahaa ka doodista dib-u-eegista Xeer-hoosadka ee Golaha Aqalka Sare ,waxaana shir Guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Baarlamaanka Senator Mowliid Xuseen Guhaad.
Senatarada ayaa ka dooday dib-u-eegista Xeer-hoosadka Golaha Aqalka Sare ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarada senator Xassan Faarax Xujaale ayaa uga mahadceliyey Senatorada soo jedintooda asagoo sheegay in ayagoo ka duulaya soojeedinta Senatorada ay wax ka badal ku sameeyn doonan qaar kamid ah qodabada Xeer-hoosaadka Golaha wuxuuna tilmaamay in Golaha dib ugu soo celin doonaan si uu go’aan uga gaaro .