Shir xasaasi ah oo Garoowe uga socda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul Goboleedyada

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socda kulan Albaadaddu ay u xiran yihiin.

Kulankaasi ayaa waxa uu u dhexeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahai Farmaajo iyo Madaxda mkaamul Goboleedyada dalka ka jira ee ku sugan Magaalada Garoowe.

Ilo xog ogoaalka ayaa sheegay in kulanka ka socda Garoowe looga hadlayo sidii loo dhameeyn lahaa Khilaafka u dhexeeya Madaxa maamul Goboleedyada iyo dowlada dhexe.

Goobta uu kulnaka ka socda ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,waxaana markii uu soo dhammaado kulanka lagu wadaa in laga soo saaro qodobo ay isku raaceen Madaxda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad lagu caleema-saaray Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay adkeynta wadashaqeyn buuxda oo ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media