Akhriso:-Maxaa ka jira inay is casileen Guddiga doorashada K/Galbeed?

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafinayay Warar sheegaya inay is casileen dhammaan guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Hayeeshee Guddiga ayaa soo saaray Warqad kale,taas oo ay ku sheegeen in aan waxba ka jirin warqada Baraha Bulshada lagu faafiyay oo ah inay is casileen.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa waxa ay meesha ka saareen shakiga ah inay doorashada dib u dhaceyso,waxaana ay sheegeen in 19 Bishana ay dhaceyso oo ah waqtiga loogu talo galay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor