Kusimaha Madaxweynaha K/Galbeed oo ka hadlay Xildhibaanka lagu dilay Baydhabo

Kusimaha xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa ka hadlay dilka Xildhibaan Abdishakuur Maanta loogu geystay Magalada Baydhabo.

Kusimaha ayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed  gaar ahaan Ehelada Xildhibaan Cabdi Shakuur uga tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka,waxaana uu yiri.

“Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Madaxweynaha iyo kan Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dhamaan Xildhibaanada iyo shaqaalahaba waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii , eheladii iyo Qaraabadii Uu ka geeriyoodey marxuum Cabdishakuur Yacquub Ibraahim oo ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Magalada Baydhabo ayaa weli waxaa ka socda banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan taageerayaasha Muqtaar Rooboow oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya shalayna si awood ah looga soo waday Magalada Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor