Akhriso:-Magacyada Al-Shabaab oo Saddex Ruux toogasho ku fuliyay

Shalay Gelinkii dambe ayaa Al-Shabaab waxa ay fagaaro ku yaalla deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose dil toogasho ku fuliyeen Saddexda Ruux oo ay ku eedeynayeen inay ka tirsanaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Saddexda Ruux ayaa laba ka mid ah Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda halka kan Saddexaad uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Magacyada dadka la toogtay.

Maxamad Cabdullaahi Abuukar iyo Maxamad Faaarax Aadan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda halka Maxamad Tifow Abuukar ay sheegeen in uu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horay xukuno dil u badan ku fulisay dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media