Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu waday in kulan ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho, hayeeshee waa uu baaqday.
Kulanka Senatarada Aqalka Sare ayaa u baaqday sababo la xiriira Kooram la’aan, kadib markii ay soo xaadi waayeen Xildhibaanada, fadhiga Baarlamaanka ayaa waxaa yimid oo kaliya 27 mudane, waxaana kulanka uu ku furmi lahaa 28 Mudane.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shaaciyay in kulankii Maanta uu baaqday, isla markaana waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in kulan uu u baaqdo 1 xildhibaan oo kaliya.
Ugu dambeyntii Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay wixii maanta ka dambeeyaa Xildhibaankii ka maqnaada kulamada Golaha la diwaan galin doono, sidoo kalena lala xisaabtami doono, wuxuuna Senatarada ugu baaqay inay waqtiga ilaaliyan.
Ajendaha kulankii Maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa uu kala ahaa laba qodobo ah oo kala ah.
- Akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Shidaalka(Batroolka)
- Akhrinta 3aad ee Sharciga Xuquuqda Siyaasiinta Dowladda.