Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha dalka Sacuudiga waxay ka digtay inuu Ayaxa, nooca Lama-degaanka uu isbuucyada soo socda ku soo faafi doono dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Somalia, Jabuuti iyo Ethiopia.
Wasaaradda waxay tilmaatay in la rajeynayo in Koronkoro cusub oo Ayaxa ay isbuuca soo socdo ku sii faafaan Waqooyiga Somalia ilaa ay Cimilada qalaylka tahay, isla markaana ay weli jiraan Khataro ku aadan inay qaar ka mid ah Ayaxa Koronkorada ah ka dhaqaaqaan Waqooyiga Somalia iyagoo u gudbi doona qeybo ka tirsan dalalka Yemen iyo Ethiopia.
Dhinaca kale, Warbixin ay soo saartay Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ayaa lagu muujiyey HJawlgalo Shminj iyo Kontorool oo laga sameeyo Gobalka Bariga Somalia iyo dhamaan Deegaanada uu Ayaxu ku sii faafi karo.
FAO waxay kaloo tilmaamtay inay Hawlgaladaasi yaraynj doonaan Fursadaha ay ku samaysmi karaan Koronkorada, inkastoo weli ay jirto xaalladaha laga walaaco ee Fafafista Ayaxa ee Bartamaha Somalia.
Warbixinta FAO waxaa lagu soo gebagebeeyey inay waajib tahay in la kordhiyo Hawlgalada Sahanka iyo Kontoroolka Dhaqdhaqaaqa Ayaxa ee dalalka Somalia, Ethiopia, Sacuudiga iyo Yemen.