Kadib qoraalkii dhawaan kasoo baxay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacbaka ee eedeynta la xiriirta musuq maasuq loogu jeediyay Hay’adaha Dowladda ayaa waxa Warqad jawaab u ah soo saaray Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).
Qoraalkii ka soo baxay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka Gobolka Banaadir sigaar ah loogu eedeeyay wax is daba marin, maamul xumo iyo musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka.
Qoraal ka soo baxay Hanti dhowraha guud ee Qaranka loona gudbiyay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in walaac ay ka qabaanWarqada horay Guddiga Maaliyadda Golaha Shacbaka uga soo baxday,isl markaana kahor hay’adaha Dowladda ay heshay Warbaahinta.
Waxaa sidoo kale Hantu Dhowrku uu sheegay in qoraalkii horay uga soo baxay Guddiga ay yihiin kuwo kazoo hormaray waqtigooda,isla markaana talo iyo xog-wareysi aan lagala yeelan xafiisyadii u igmanaa arrintaan.
Waxaa kaloo Hanti-dhowrku talo ahaan u soo jeediyay Saddex doqodb oo kala ah.
1: in dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran.
2- in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo
3- in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka.
Hoos Ka Akhriso Warqada ka soo baxday Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka.