Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeella Hoose ku sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya,iyaga oo ka jawaabayay cabasho ka timid Gobolkaas.
Mas’uuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa go’aan waxa ay ka gaareen isbaarooyin kusoo noqnoqday gobolka Shabeellaha Hoose,kadib markii ay tageen fariisimaha Ciidamada,isla markaaan ay la kulmeen Saraakiishooda.
Guddoomiyaha Maxkamada Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in qof walba ee dareeska Ciidanka dowladda,iyaga oo wata dadka Isbaaro u dhiganaya aysan ciidamada dowladda kasii mid ahaan doonin.
Waxa uu ku amray Ciidamada Dowladda inay kahor-tagaan dadka wata dareeska ciidamada,isla markaana lacagaha baada ah ka qaadanaya dadka Shacabka,waxana uu sheegay inay la mid yihiin Al-Shabaab.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayuu sheegay inay tallaabi ka qaadi doonto cidkasta oo lagu arko,iyada oo isbaaro dhiganeyso,isla markaana halkii lagu qabto lagu maxkamadeynayo.
Dhawaan ayaa Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose,waxa ay sheegeen inay dadka Shacabka ah ee k nool degmooyin ka tirsan Gobolkaas ay isbaarooyin u dhiganayaan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.