Waxgaradka, Aqoonyahannadda iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Absuge Abgaal waxay maalintii 4-aad ka digayaan Ergo iyo saxiib Been Abuur ah oo ay soo dhoodhoobayaan Agaasime-ku-xigeenka Madaxtooyada, Saadaq Macallim C/kariim iyo Ganacsade C/raxiim Macaani Muuse, ahna Milkiilaha Isbitaalka Macaani oo ku yaalla Deegaanka Garas Baaleey ee duleedka Muqdisho.
Ganacsade C/raxiim Macaani Muuse oo horey loogu yaqiinay Hawlaha Bulshadda ayaa iminka ku milmay Siyaasadda, isla markaana noqday La-taliyaha ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ehel-wadaag hoose yihiin.
Saadaq Macallim C/kariim iyo Ganacsade C/raxiim Macaani Muuse ayaa ku caan baxay inay ka shaqeeyaan sidii ay u kala fogeyn lahaa Walaaltinimadda Labada Jufo ee Cali Gaaf iyo Absuge.
Waxgaradka, Aqoonyahannadda iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Absuge Wacaysle waxay sheegeen inuu Saadaq Macallim C/kariim loolan ugu jiro sidii uu u been abuuri lahaa Saxiixa Suldaanka Guud Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido iyo xubinta 2-aad ee Beesha Wacaysle uga mid ah 135 –ka Odayaasha Dhaqanka ee horey u soo doortay Dowladda Federalka.
Suldaan Maxamed Cabdi Shido waxa uu Liiska iyo Sawiradda Ergadda Rasmiga ee Kuraasta Jufooyinka Beesha Wacaysle soo gudbiyey bishii September 17-dii ee sannadkan, iyadoo Nuqulka iyo sawirada Liiska Ergadda Rasmiga loo gudbiyey Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Federal, Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka, Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia iyo Beesha Caalamka.
Agaasime-ku-xigeenka Madaxtooyada, Saadaq Macallim C/kariim waxa uu 3 bilood kadib, markii uu Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle gudbiyey Lisika magacyadda iyo Sawiradda Rasmiga ee Ergadda u xusul-duubayaa saxiixa iyo Ergadda Been Abuurkasi si uu ugu xalaalaysto Kursiga Jufada Cali Gaaf ee Qoondada Haweenka ah ee uu horey uga boobay Fawsiya Xasan Abuukar.
Musharax Fowsiya Xasan Abuukar waxay dacwadda Kursiga Koondada Haweenka ee Jufada Cali Gaaf ee laga boobay u gudbisay Beesha Caalamka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xalinta Khilaafaadka.
Ugu dambeyntii, Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido ayaa la filayaa inuu la kulmo Wakiilka Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia iyo Wakiilladda Beesha Caalamka, si uu ugala hadlo Kursiga Qoondada Haweenka Beesha Wacaysle ee ay saamiga u heleen Jufada Cali Gaaf ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo si musuq ah ku boobay Agaasime-ku-xigeenka Madaxtooyada, Saadaq Macallim C/kariim.
©Radio Dalsan