Maxkamad ku taalla Waqooyiga dalkaasi ayaa la soo taagay Wiil Somali oo 16 jir, kaasi oo 3 sanno ka hor Tahriib ahaan ku galay Dalkaasi.
Wiilkaasi ayaa waxa uu haatan yahay Xiddig K/cagta oo ka tirsan Dugsi Sare oo ku yaalla dalkaasi.
Bishii February 14-dii ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee degmadda Chiang Rai ee Waqooyiga dalkaasi oo uu Dalxiis ku teegay.
Waxaana loo xiray, isagoo aan wax Baasaboor ah wadanin, inkastoo uu ka diiwaan gashan yahay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.
Waxaa la sii daayey bishii March, laakiin Dacwad-oogaha Dowladda ayaa ku soo oogay Wiilka inuu sharci-darro ku soo galay Thailand.
Maxkamadda ayaa haddana la hor-geeyey Arbacadii la soo dhaafay, waxaana la amray in Wiilka la siiyo Badbaado.
Dhinaca kale, Wiilkaasi isagoo 13-jir ah ayey Waalidkiisa ku kala lumen Colaadaha Somalia, iyadoo Ayeeydiisa kharaj kula heshiisay Mukhalisiinta si ay u geeyeen dalka Thailand, iyagoo Transit ah u si imaray dalka Malaysia.
Dukumentigiisa waxaa ka qaatay Mukhalisiinta, inkastoo ay Hay’adda UNHCR u aqoonsatay Qaxooti, waxaana la geeyey Dugsi, isagoo noqday Laacib Xiddig Sare ah “Superstar”.
Hadal ka soo baxay Isbahaysiga Xuquuqda Qaxootiga iyo Dadka dal la’aan ah (The Coalition for the Rights of Refugee and Stateless Persons (CRSP) ayaa lagu sheegay inuusan Wiilkaasi wax khatar ah ku ahayn Bulshadda, isla markaana ay UNHCR u aqoonsan tahay Qaxooti ahaan.
Hay’adda waxay kaloo sheegtay inay socdaan dadaalka Wiilkaasi uu Dib-u-dejin uga heli lahaa Dal kale.
©Radio Dalsan