Agaasimaha Idaacadda Bayaan FM ee Degmadda Beled-xaawo ee Gobalka Gedo ayaa la sheegay in maanta la xiray, sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Shaqaalaha Idaacadaasi.
Agaasimaha oo lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Dhega-cadde ayaa la sheegay inay xireen Ciiddan watay Gaadiidka Dagaalka, kuwaasi oo Agaasimaha ka kaxeystay Xarunta Idaacadda.
Tifaftiraha Idaacadaasi, C/xakiim Maxamed Nuux ayaa Dalsan Radio u sheegay inay tuhunsan yihiin inuu xariigaasi la xiriiro Khilaaf u dhexeeya Suxufiyiinta ka hawl-gala Beled-xaawo.
Waxa uu intaasi ku daray in iyaga loo diiday inay la kulmaan Agaasimaha xiran, si ay u ogaadaan Xaalladda uu ku sugan yahay.
Dhinaca kale, Isku-day aan kula xiriirnay Maamulka Degmadda Beled-xaawo si aan wax uga weydiino dhacdadaasi ayaan suurto-gelin.
©Radio Dalsan
.