Warar ay heshay Idaacada Dalsan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu u yeeray Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Deegaanada Maamulkaas uu ka Taliyo.
Xogaha aanu heleeyno aya shegaya in sababta loogu yeeray Xildhibaanada ay ka mid tahay in la weydiiyo Qofka ay Codka siinayaan marka la gaaro Doorashada Madaxtinimo ee Murashixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya.
Xildhibanada aya la filayaa in waqtiyada soo socda ay gaaraan Magaalada Kismaaayo ee Xarunta u ah Maamulka Jubaland.