Aadan Madoobe oo Guddi gaar ah u Magacaabay Xaaladda Cakiran ee ka taagan Laascaanood

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood.

Guddiga uu Magacaabay Aadan madoobe ayaa ka kooban ilaa iyo 10 xubnood oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa la faray inay kasoo talo bixiyaan Xaaladda ka aloosan Laascaanood,waxaana si gaar ah loo faray inay warbixin ka keenaan dadka ku dhintay, dhaawacyada iyo dadka ku barakacay dhibaatooyinka ka taaagan Gobolkaasi.

Hoos ka akhriso Warqadda Magacaabista Guddiga

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor