Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF ayaa baaqaasi ku sheegtay Warbixin laga diyaariyey Xaalladda ay ku sugan yihiin Carruurta Somalia, waxaana la tilmaamay inay soo hagaagayso Xaalladda Carruurta.
Warbixinta ayaa lagu xusay inay carruurta aadaan Dusgiyadda, kuwa badan la badbaadiyey iyo inay sii kordhayaan Tirada Qoysaska haysta Adeegyadda Daruuriga, sida Daryeelka Caafimaadka, Biyaha Nadiifka iyo Faya-dhowrka.
Warbixinta UNICEF waxaa lagu xusay in toddobadii carruurba uu mid ka geeriyoodo ka hor intaysan gaarin da’da 5 jirka iyo inay in ka badan 300,000 oo carruurta da’oodu ka hooseyso 5 jir ay yihiin kuwo ay haysato Nafaqo-darro.
Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in saddexdii saacadooba ay Haweeney xaaamilo ah geeriyooto.
Dhinaca kale, Warbixinta UNICEF waxaa tilmaamtay in gabdhaha aada Dugsiyadda ay aad uga hooseeyeeen Wiilashada wax barta iyo in Gabdhaha Soomaaliyeed 98% lagu sameeyo gudniinka Fircooniga ee FGM, iyadoo Somalia heerka ugu sarreeya kaga jirto dalalka Caalamka ee laga isticmaalo Isticmaalka Gudniinka Fircooniga ee FGM.
©Radio Dalsan