Mujtamaca ku nool Degaanka Pannerden ee dalka Holland ayaa dhigay Dibadbax ay taageero ugu muujinayaan Qoys Soomaali oo ay soo weerareen Kooxaha u ololeeya Xisbiga PVV ee dalka Holland, kuwaasi oo ku caan baxay Nacaybka iyo Cunsuriyadda.
Wargeyska NL Times ayaa qoray inay Kooxahaasi dab qabadsiiyeen Gurigii ay degganaayeen Qoyska Soomaalida, isla markaana ay Derbiyadda ku dhejiyeen Sawirka Hoggaamiyaha Xisbiga Cunsuriyadda ee PVV oo lagu magacaabo  Geert Wilders.
Waxay kaloo ku qoreen Hal-ku-dhegyo Isir-nacayb ah sida “Caddaanka ayaa fiican, Qarankeenna ayaa ah Kow, Qaxootiyaaal waa inaad baxdaan, Tani waa bilowgiiâ€.
Duqda Degmadda Rijnwaarden oo laga xukumo Deegaanka Pannerden, Ella Schad ayaa ugu baaqday dadka inay u istaagaan Taageerana siiyaan Qoyska Soomaalida ee ay Kooxaha Isir-nacaybka soo weerareen.
Dadka ku nool Deegaankaasi iyo magaallooyin kale oo ku yaalla dalka Holland ayaa waxay soo booqdeen Qoyska Soomaalida oo ay u muujiyeen Taageero, iyagoo ku tilmaamay qoyskaasi kuwo ay aad u jecel yihiin.
Dhinaca kale, Xildhibaanadda Xisbiyadda  kale ee dalka Holland  waxay ugu baaqeen Hoggaamiyaha Xisbiga PVV, Geert Wilders  inuu cambaareeyo qalalaasaha Isir-nacaybka ee lagu hayo dadka Qaxootiga ku ah dalka Holland, balse dheg uma raaricinin baaqaasi.
Ma kala cadda inay Kooxaha weeraray guriga Soomaalida isaga ka amar qaataan iyo in kale.
©Radio Dalsan          Â