Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimaddii maanta gaaray magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beledweyne, wuxuuna Kulamo la yeelan doonaa Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka iyo Maamulka Gobalka Hiiraan.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehiya Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar iyo Guddoomiyihii hore ee Gobalkaasi, C/fataax Xasan Afrax.
Madaxweynaha waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalladda Beled-weyne, iyadoo aysan u kala harin Madaxda Gobalka, Odayaasha Dhaqanka iyo Dadweynaha Reer Hiiraan.
Ammaanka guud ee magaalladda Beledweyne ayaa aad loo adkeeyey, waxaana halkaasi gaaray Boqolaal Ciiddan oo ka tirsan kuwa Dowladda Federalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.
Booqashadda Madaxweynaha ayaa ku soo beegantay hal maalin kadib, markii uu Wareegto ka soo saaray Degmadda marti-gelinayso Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo Caasimadda KMG ee Maamulkaasi la dhisayo.
Wareegtadda ayaa lagu xusay in ay magaalladda Jowhar marti-gelinayso Shirkaasi, Â iyo Degmadda Buulo-burde noqon doonto Caasimadda KMG ee Maamulka cusub ee ay dhisan doonaan Beelaha wada deggan Hiiraan iyo Sh/dhexe.
© Radio Dalsan