Wasiirka Warfaafinta ee dalkaasi, Maxamuud Al-momaani ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka PETRA in 10 ka mid ah dadka lagu fuliyey Xukunka lagu helay falal Argagixiso oo ay ku jireen weerar lagu dilay Dalxiisayaal, Qoraa iyo xubno ka tirsanaa Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi.
Mid ka mid Eedeysanayaasha la daldalay ayaa lagu helay Weerar sannadkii hore lagu qaaday Dhismo ay leeyihiin Sirdoonka dalkaasi oo lagu dilay 5 Askari.
Shanta kale ee la daldalay ayaa la sheegay in lagu helay xadgudubyo dhinaca Kufsiga.
Waddanka Urdun waxay Xukunka Daldalaadda soo celiyeen sannadkii 2014-kii, kadib, markii la joojiyey ciqaabtaasi mudadii u dhexeysay 2006-ii ilaa 2014-kii.
©Radio Dalsan