Iyadoo ay Xisiad Siyaasadeed ka dhalatay Qorshaha Dowladda Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Milliteri kaga dhisanayso Dekedda magaalladda Berbera ayaa waxay Dowladda Imaaraadka sheegtay inay ka go’an tahay inay Joogitaan Ciiddanka Badda ku yeeshaan Badda Cas.
Faallo maanta lagu soo daabacay Wargeyska Gulf News ee ka soo baxa dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay inay Imaaraadka Carabta ka go’an tahay Heshiiska ay Maamulka Somaliland kula galeen Saldhigga Milliteri ee Berbera.
Imaaraadka Carabta waxay labo Saldhig Milliteri ka samaysanaysaa Dekedda Berbera ee Badda Cas iyo Dekedda Casa bee dalka Eritrea, halka ay Ciiddanka Badda Sacuudiga joogaan Koonfurta Badda Cas, isla markaana ay Saldhig ku leeyihiin dalka Djibouti.
Dhowr sanno ka hor, Joogitaanka Ciiddamadda waxaa loogu gol lahaa La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida, balse, haatan waxay casbidu ka taagan tahay Joogitaanka Ciiddanka Badad Iiraan ee Waqooyiga Yemen, iyadoo Dowladda Iiraan taageerto Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta Dowladda Sharciga ee Yemen ee ay taageeraan Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo oo ay Imaaraadka Craabta ka mid tahay.
Bishii February 12-dii, Barlamaanka Maamulka la-magac baxay Somaliland ayaa ku heshiiyey in Imaaraadka Carabta loo oggolaado inay Saldhig Milliteri ka xaarxaartaan magaalladda Berbera.
Waxaan kala caddayn qorshaha, inkastoo ay Imaaraadka mar hor Saldhig Ciiddanka Badda iyo Cirka ka dhisteen Dekedda magaalladda Casa bee dalka Eritrea oo 60-KM dhanka Bari kaga toosan Badda Cas.
Dhinaca kale, Shirkadda Dekedda Dubai ee DP World ee laga leeyahay Imaaaradka waxay bishii September ee sannadkii hore Maamulka Somaliland la galeen Heshiis ay kula wareegayaan Maamulka Dekedda Berbera.
DP Workd waxay maamuli doontaa DEkedda Berbera muddo 30-sanno ah, waxaana lagu maalgelinayaa lacag dhan 442-million oo Dollar.
Dhinaca kale, Faalladda maanta lagu soo daabacay Wargeyska Gulf News aaya lagu muujiyey khatarta Saldhigyadda Badda ee Iiraan ka dhiganayso Yemen, oo cabsi gelin kara Maraakiibta ka gudubta Marin-baddeedka Baab el-manda oo ah albaab weyn oo laga galo Badweynta Hindiya.
Khaas ahaan Badda Geeska Afrika ayaa muhiim ah,waayo waxay ku fadhidaa 4,000 oo dhul-xeebley ah oo ka soo bilaabanta Sudan ilaa Waqooyiga Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Is-ballaarinta Ciiddanka Badda ee Imaaradkaa waxay saamayn ku yeelatay Xiriirka DF iyo Dowladda Imaaraadka, iyadoo Dowladda Somalia si cad u sheegtay inuusan waxba ka jirin Heshiiska ay Imaaaraadka la saxiixdeen Maamulka Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa arrinkaasi cabashadeeda u gudbiyey Boqorka Sacuudiga, kuna baaqay inay Sacuudiga dhexdhexaadiyaan Dowladda Imaaraadka iyo Dowladda Somalia, lana joojiyo Saldhigga ay Imaaraadka ka dhisanayso magaalladda Berbera.
©Radio Dalsan