Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP124 Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow kusoo dhammaatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas.
Kursiga #HOP124 ayaa ku tartami lahaa Musharaxiinta kala ah Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif iyo Cabdullaahi Mukhtar Maxamed, balse waxaa doorashada inta aysan bilaaban tartanka ka tanaasulay Musharax Cabdullaahi Mukhtar oo marka hore is diiwaan-geliyay
Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa kusoo baxay oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka #HOP124, isla markaana waxaa loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, isagoo helay 74 Cod oo ah Codadkii ay dhiibteen ergada doorashada kursigaas.
Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada kursigan, wuxuuna sheegay in doorashada uu ku guuleystay Maxamed Cabdiraxmaan oo horay ugu fadhiyay kursigan xilligii Dowladdii KMG aheyd.
Kursiga tirsigiisu yahay #HOP124 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (Cabdiraxmaan Dheere) oo kamid ah xubnaha ku dhow Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Sidoo kale Doorasho kale oo isla galabta ka dhacday Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Axmed Maxamuud Jaamac loogu doortay kursiga HOP029, isagoo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu u tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa…