Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleystay doorashadii Isniinta ka dhacday Israel, oo ahayd tii saddexaad muddo sanad gudihiis ah, inkasta oo uu wajahayo maxkamadeyn musuq-maasuq la xiriirta.
Guushan ayaa Netanyahu u ogolaaneysa inuu soo dhiso dowladda cusub, soona afjaro sanad is-marin waa siyaasadeed ah, kadib markii doorashooyin dhacay April iyo September 2019 lagu kala adkaan waayey.
Guddiga dhexe ee doorashada ayaa sheegay inay tiriyeen 90% codadka, ayada oo natiijada warbaahinta qaar ay soo bandhigeen ay muujineyso in xisbiga Netayahu ee Likud uu helayo 36 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka.
Isbahaysiga Netanyahu, oo ay ku jiraan xisbiyada Yahuudda ee mayalka adag, ayaa weli u baahnaan doona hal ama laba cod si ay u helaan aqlabiyad, hase yeeshee afhayeen u hadlay xisbiga ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin inay kasoo goosan doonaan xisbiyada kale.
Xisbiga sida weyn ula loolamayey Likud ee Blue and White ayaa la filayaa inuu helo 32 kursi, Marka lagu daro xisbiyada siyaasadda bidixda-dhexe, iyo kuwa isbhayasiga Carabta ee Arab Joint List, xisbiyada kasoo horjeeda Netanyahu ayaa la filayaa inay helaan 54 ilaa 55 kursi.
Inkasta oo weli aysan jirin wax damaanad oo ah in Netanyahu uu soo dhisi doono dowladda cusub, haddana wuxuu doorashadii Isniinta ku sheegay “guul” weyn.