Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Kulanka u dhexeeyay Taliye Cabdi Xijaar iyo Taliyaha Booliska AMISOM Augustine Magnus Kailie ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta labada Ciidan iyo sidii ay iskaashi u sameeyn lahaayeen.
Sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay sugidda amniga Arrimaha doorashooyinka la filayo in dalka Soomaaliya ay dhacaan dhamaanka sanadkan 2020/2021.
Kulnaka dhexmaray Taliyaha Ciidanka Boliiska Somaliyeed Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxaa ka qeyb ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.