GOS oo Tacsi u dirtay Qoyski iyo Eheladii uu Ka geeriyooday Guddoomiyhii Xiriirka Soomaaliyed Ciyaaraha Fudud Pro: Maxamed Cali Maxamed.

GOS oo Tacsi u diraysa Qoyski iyo Eheladii uu Ka geeriyooday Guddoomiyhii Xiriirka Soomaaliyed  Ciyaaraha Fudud Pro: Maxamed Cali Maxamed.

Inaa Lilaahi Wainaa Ilayhi Raajiuun: Alle Ha Unaraxiiste waxaa Maanta  Magaalada Dubai ee Dalka isutaga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday guddoomiyhii Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud Professor Maxamed Cali

Guddoomiyaha  Guddiga Olombiakda Soomaaliyeed Cabdullahi Axmed Tarabi oo La hadlay Nocsom aya  yiri” aniga ku hadlaya magaca guddiga Olombikada Soomaaliyeed  iyo xiriiradiisa waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii iyo ehaladii uu ka geeriyooday Marxuum Pro: Maxamed Cali Maxamed.

” Xaqiiqi Maanta waxaa wynay nin  naftiisa aqoontiisa iyo waqtigiisa u horey isboortiga Soomaaliyeed in kabadan  50 sano u taagnaa sare u qaadida isboortiga Soomaaliyed.

” Alla Ha unaxariistee Profesor Maxamed Cali waxuu  ahaa macalin, maamule aqoonyahan sare u qaaday  qaybaha kale gedisan ee ciyaaraha waxuuuna qayb wayn ka qaatay aasaaskii isboortiga Soomaaliyeed Sanadihii lixdamaadka iyo todobaatamaadki, waxaana leenahay naraxiitsii jano alle haka waraabiyo qoyskii iyo ehaladii iyo dhamaan bahda isboortiga samir iyo iimaan alle haka siiyo. ayuu Guddoomiye Tarabi Hadakiisa ku soo gebagabeeyay.

Pro: Maxamed Cali ayaa 2008  noqday guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud  waxaana xilkaas loo doortay laba jeer .

Sidoo Kale waxuu macalin ka noqday dalka Imaraadka halkaas uu kusoo saaray  arday xilal ka qabtay xiriirada caalamiga sida Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Aduunka.

Saakay 8:00 subaxnimo ayuu ku geeriyooday Magaalada Dubai ee isutaka Imaaraadka Carabta oo mudooyinki dambe ku xanuunsanaa.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

W/Q: Xuseen Maxamed Hadaafow

Nocsom Media Department

DSC_0085 DSC_0729 DSC_0781